Hot Topics

Maraykanka oo diiday Xabad joojin la dhex dhigo Israa’iil iyo Xamaas

Saddex iyo Toban ka mid ah Shan iyo Tobanka Xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa u codeeyay Haa.

Halka ay UK ka aamustay,balse Maraykanka,ayaa ka soo horjeestay Codka.

Maraykanku wuxuu sheegay in codsigaan oo ay miiska soo saareen Dowladda Imaaraadka Carabta uu yahay ‘mid aan dheeli tirnayn oo dhalanteed ah.

Maraykanka,wuxuu ka mid yahay Wadamada joogtada ah ee haysta Codka Veto-ga.