Hot Topics

Akhriso:-Mowqifka Xisbiga Wadani Ee isfahanka Muuse iyo Abiye

Xisbiga WADDANI waxa uu mar kasta ilaalinayaa una taagan yahay madax-bannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aanu soo dhaweynaynaa haddii uu jiro aqoonsiga Ethiopia iyo horumar kasta oo Somaliland danteeda ku salaysan tahay isla markaana sharciga dalka u yaallana waafaqsan.

Xisbiga WADDANI waxa uu ka digayaa wax kasta oo xad-gudub ku ah karaamadda umadnimo iyo jiritaanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa awgeed, waxaa Xisbigu sugayaa xogta rasmiga ah ee heshiiyada Madaxweynuhu ku saxeexay dalalka Djibouti iyo Ethiopia.

Sida laga warqabo waxaa Jamhuuriyadda Somaliland muddooyinkii u dambeeyey ka taagnaa khilaafiyo siyaasiya ah oo dhammaan waayay, isla markaasna ay faraheeda ka baxeen qaybo dhan oo ka mida waddankii mideysnaa, iyada oo Madaxwaynaha hadda talada hayaana uu dhammaaday muddo-xileedkiisii sharciga ahaa isaga oo haysan taageero shacab iyo sharciyad uu ku galo heshiisyo taabanaaya masiirka umada Somaliland.

Sidaa awgeed, sida shuruucda dalka u yaallaan dhigayaan, waxaa waajib ku ah Madaxwayne kasta oo Somaliland ah in uu Golaha Wakiilada u gudbiyo