Hot Topics

Midowga Yurub oo si weyn uga hor yimid isfahanka SL iyo Itoobiya

“1-dii Janaayo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi,ayaa kala saxiixday is-afgarad Itoobiya u damaanad qaadaya in ay marin u hesho Badda”Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Arimaha dibedda Midowga Yurub.

Waxaa kaloo lagu yiri Qoraalka….

“Midowga Yurub wuxuu jecel yahay inuu xasuusiyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay,tani waxay muhiim u tahay nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika oo dhan.”.

Midowga Yurub,wuxuu umuujiyay Garab iyo hiil Madaxbanaanida Qaranimo ee Somaliya.

Waxaa kaloo la filayaa in uu Berri soo saarto Bayaan la mid ah kan Midowga Yururlb Dowlada Maraykanka.

Dhanka Dowlada Itoobiya oo ay xiriir la samaysay Dowlada Jabuti,waxay usheegtay in aysan kala hadlin weftiga SL wax ku saabsan Madax banaani.

Dowlada Jabuti,waxay ka codsatay Dowlada Itoobiya in ay Mowqifkeeda cadayso oo ay soo saarto adaado in ay soo saarto Qoraal rasmi ah.

Jibril Qoobey.