Hot Topics

Xamaas oo looga dilay Lubnaan hogaamiye muhiim u ahaa

Saleh al-Arouri wuxuu ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreeya marka la eego hoggaanka Xamaas – wuxuu ahaa hormuudka xagga siyaasadda iyo militarigaba.

Ninkan oo  da’diisu ahayd 57 jir,waxa uu ahaa ku xigeenka Madaxa Xamaas ee Xafiiska Siyaasadda, wuxuuna Gacan ka geystay aasaaska garabka militari ee kooxda, Izz al-Din al-Qassam Brigades.

Wuxuu aad ugu lug lahaa weligiiba arrimaha Militariga kooxda Xamaas.

Waxaa lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka koofurta Bayruut ku yaalla ee Dahiyeh, wuxuuna ahaa weerar si weyn loogu eedeeyay Israa’iil.

Saleh al-Arouri,ayaa Xamaas ku biiray sanadkii 1987, wuxuuna Gacan ka geystay joogitaanka Militariga kooxda ee Daanta Galbeed ee la heysto.

Wuxuu ka mid ahaa saraakiisha Xamaas ee aadka ugu dhow Iiraan iyo kooxda ay taageerto ee Xisbullaahi-da Lubnaan.