Hot Topics

Faallo:-Madaxweyne Deni oo looga fadhiyo in uu muujiyo bisayl hogaamineed

Madaxweyne Deni,waxaa laga rabaa in uu qabto Shir Saxaafadeed uu kaga hadlayo arimaha masiiriga ah ee Puntland iyo guud ahaan Somaliya…

1.In uu fariin wada shaqayn iyo midnimo uu udiro gudaha Puntland.

2.In uu fariin wada shaqayn udiro DFS iyo DG.

3.In uu fariin wada shaqayn udiro BC.

Waxaa kaloo laga rabaa MW Deni Caleema saarkiisa in uu ka dhigo mid caalami oo uu ku casumo dhamaan Madaxda Somalida uu ugu horeeyo MW DFS uuna ku jiro MW JL.

Si gaar ah BC waxay isha ku haysaa hab dhaqanka cusub ee MW Deni,iyadoo la og yahay in aysan ku faraxsanayn hogaamintiisii hore.

Gudaha Puntland,waxaa laga rabaa in uu Caleema saarka keeno Siyaasiyiinta iyo Dhaqanka ay is qabteen,si gaar ah Boqor Burhaan in uu casumo oo waliba siiyo kalmada Dhaqanka ee Madasha.

Hogaamintiisa xiligan way ka saamayn badnaan doontaa midiisii hore samaan iyo xumaan.

Jibril Qoobey.