Hot Topics

Dowlada Masar oo Casuumad ufidisay Madaxda Somaliya iyo Eretereya.

Wefti heer sare ah oo ka socda Masar,ayaa Axadii booqasho ku tagey Caasimada Somaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale wafti uu hoggaaminayo Ra’isul Wasaaraha Masar Sameh Shoukry,ayaa booqasho ku tagay Dalka Eretereya,wuxuuna ugudbiyay Madaxweyne Asiyas dhambaal uu ka siday Madaxweyne Al-Sisi.

Labadaas wefti,ayaa kala geeyay Labada Wadan Casuumado rasmi ah oo Madaxweynaha Masar ufidiyay Labada Madaxweyne ee Somaliya iyo Eretereya sida wararku xaqiijinayaan.

Masar,waxay aad udanaynaysaa in ay samayso isbahaysi xoog leh oo ka dhan ah Itoobiya oo uu ka dhaxeeyo muran dhanka Biyaha Wabiga Niilka ah.

Sidoo kale Somaliya markan,waxay baahi uqabtaa garab istaaga Masar si ay uga hor tagto damaca Itoobiya ee Badeeda.

Asiyas,ayaa isaguna xilligan ay kala fogaadeen Abiy,wuxuuna danaynayaa isbahaysiga ka dhanka ah.

 

Jibril Qoobey.