Hot Topics

Madaxweyne Deni oo martiqaad usameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka PL

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan Qado sharaf iyo is-xogwareysi ah la qaatay Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Ka hor Caleema saarka,waa talo sax oo lagu bogaadin karo Madaxweyne Deni in uu la fariisto Qof kasta oo waxtirsanaya oo uu furo Albaabada.

Sidoo kale waa in doorkii PL ee Somaliya kadib doorashada oo mudo lagu mashquulay la muujiyaa oo Garowe layskugu keenaa Somali.

Puntland oo isku duuban,waa in ay kawada qaybgashaa Caleema saarka soona wada dhawaysaa Somalida.

Waxaa xusid mudan in talada Dowlada cusub lagu soo dhisayo ay wax ku yeeshaan Baarlamaanka si loo helo Dowlad sal baaalaran.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka