Hot Topics

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Howlgalka Kaalmaynta QM Ee Somaliya (UNSOM).

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres,ayaa ku dhawaaqay magacaabista Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Simbabwe in uu noqdo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Somaliya (UNSOM).

Mr. Zenenga waxa uu baddelayaa Anita Kiki Gbeho oo dhalashadeedu aheyd dalka Ghana, taas oo Xoghayaha Guud ee QM uu ugu mahadceliyay shaqada daacadnimada ahayd ee ay ka qabatay Somaliya.

Raisedon Zenenga hadda wuxuu ahaa Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Liibiya, halkaasi oo uu sidoo kale ka ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo Isuduwaha Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL) tan iyo 2020.

Wuxuu waayo-aragnimo ka badan 30 sano u leeyahay Qamarada Midoobay, oo ay ka mid yihiin hawlgallada Qaramada Midoobay ee dalalka Laybeeriya (Liberia), Liibiya, Ciraaq-Kuweyt, Siiraliyoon(Sierra Leone) iyo Koonfurta Suudaan, iyo sidoo kale Xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.