Hot Topics

Pentoganka Maraykanka oo baahiyay Magacyada Askarta looga dilay Jordan

Dowladda Mareykanka,ayaa shaacisay magacyada Saddexdii Askari ee looga dilay duqeyntii Axadi ka dhacday Jordan.

Saddexdaas Sarkaal,ayaa kala ah:

1. Sgt William Jerome Rivers, oo 46 sano jir ah.

2.Specialist Kennedy Ladon Sanders, oo 24 sano jir ah iyo

3.Specialist Breonna Alexsondria Moffett, oo 23 sano jir ah.

Mareykanka ayaa weerarkaasi ku eedeeyay kooxaha mayalka adag ee garab ka haysta Iran. Pentagon-ka Mareykankana, waxaa uu sheegay inay qaadday ‘raadka’ ururka Kataib Xisbullah.

Isla waaxda difaaca Mareykanka ee Pentgone-ka, mar kale waxaa uu ku celiyay, in Mareykanka uusan dooneyn dagaal uu la galo Iran.

‘Ma dooneyno in aan iclaaminno dagaal,balse tallaabo,ayaan qaadi doonnaa anagoo ka jawaabayna weerrarkii lagu qaaday Ciidamadeena”Ayuu yiri Afhayeenka Pentagon-ka, Sabrina Singh.