Hot Topics

Biden oo ka hadlay markale weerarkii Saldhiga Jordan

Kaddib markii Saddex Askari oo Maraykan ah lagu dilay weerar ay diyaarad aan duuliye lahayn ku qaadday saldhigga ciidammada Maraykanka ee Urdun,ayuu Madaxweyne Biden ku sheegay bayaan uu soo saaray Talaadadii in uu go’aansaday sida uu uga falcelinayo weerarkaas.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay Aqalka Cad, Madaxweyne Biden ma uusan faah faahin hadalladan, balse wuxuu yiri ‘ma filayo in aan dagaal ballaaran ku qaadno Bariga Dhexe’.

Waxaa xusid mudan in koox hubaysan oo Iran taageerto ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka,waxaana sidoo kale weerarka lagu dhaawacay Tobanaan Askari.

Waa markii ugu horeysay oo askar Mareykan ah lagu dilo bariga dhexe tan iyo markii Israel ay duulaan ku qaaday Qasa.

 

Halkan ka daawo muuqaalka