Hot Topics

Maraykanka oo weeraro jawaab celin ah ka fuliyay Bariga Dhexe

Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan,ayaa sheegay in ay jiri doonaan tillaabooyin dheeri ah oo Mareykanku jawaab uga bixinayo weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Urdun ay ku dileen Saddex Askari Axadii lasoo dhaafay.

Sidoo kale duqeymo cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen dowladda UK oo lagu beegsaday fallaagada Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen.

Mareykanka,ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka geystay bartilmaameedyo ay Iran taageerto oo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq.

“Wixii dhacay Jimcihii wuxuu ahaa bilowgii, ma ahan dhammaadka, jawaabteena, waxaana jiri doona tillaabooyin badan – qaar ayaa la arkay, qaar laga yaabee inaan la arkin,kumana tilmaami doono inay tahay olole ciidan oo furan.”Ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka  Maraykanka.