Hot Topics

Imaaraadka oo Saldhig Milleteri ka samaysanaya Xaafuun

Dhagax-dhiga Saldhiga Melleteri oo Imaaraadka laga siinayo Deegaanka Xaafuun,ayaa dhawaan dhacaya sida xoguhu sheegayaan.

Saldhigaas,ayaa ku kacaya Sanadkii $57-Milyan,waxaana Kiro ahaan uhelaysa Lacagtaas Dowlada Puntland.

Sidoo kale Saxiixa heshiiska Saldhiga,ayaa lagu kala qaadanayaa 7-Milyan oo dolar,sida wararku sheegayaan.

Saldhigan,waa Kiro si la mid ah kan Muqdisho ee Turkisom,waxaana Saxiixa wada leh PL iyo DFS.

Mudo xileedkii hore ee MW Deni ayay ahayd in la dhagaxdhigo,waxaase ku yimid dib udhac,haatanse waa soo gabagaboobay diyaarintiisa,sida wararku sheegayaan.

Bulshada Deegaanka Xaafuun,ayaa dhankeeda ku helaysa Saldhigan Wado,Iskuul,Isbitaal iyo Biyo nadiif ah.

Raas-caseyr oo ku yaal Gardafuu oo ah marin Biyood muhiim ah,ayaa Saldhig laga siinayaa Imaaraadka oo Sxb-ka weyn ee Puntland.

Jibril Qoobey.