Hot Topics

Gudiyada joogtada ah Ee Baarlamaanka PL oo kulmay

Garoowe, Febraayo 08, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Maxamed Maxamud Ciisse,ayaa kulankii 1aad la qaatay Madax Guddiyeedyada Guddiyadda ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ujeedada kulanka,ayaa aheyd isbarasho xubnaha cusub ee Guddiga joogta & dardargelinta waajibaadkooda shaqo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa xubnaha madax-guddiyeedyada ku soo dhaweeyey hoolka shirarka Guddiyada Joogtada ah, isagoo ugu hambalyeeyey xilalka loo magacaabay.

Guddoomiyaha,ayaa kula dardaarmay in Guddi kasta ay u gudutaan waajibaadkooda si waafaqsan Dastuurka, Xeer-hoosaadka Golaha iyo xeerarka kale ee dalka.

Isbarasho ka dib, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,ayaa Madax Guddi kasta ku wareejiyey Xafiiska shaqo ee Guddiga.

– DHAMMAAD –