Hot Topics

Horjoogayaal ka tirsan Daacish oo Booliska PL Gacanta ku dhigeen

Boosaaso, February 08, 2024: Taliska qeybta Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa deegaanka Bohol oo ka tirsan degmadda Uffayn Gobolka Bari ku qabtay Horjoogayaal ka tirsan kooxda Argagixisada ISIS/Daacish.

Horjoogayaasha la qabtay ayaa kala ah Xassan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya.

6-dii bilood ugu dambeeyay waxay Ciidanka Booliska Puntland gacanta ku dhigeen Kooxo kala duwan kuwaas oo ka tirsan Daacish iyo Shabaab kadib hawl-galo laga fuliyey Gobolka Bari, kooxaha ayaa u kala dhashay Morocco, Suudaan, Suuriya, Itoobiya iyo Koon-furta Soomaaliya.

Ciidamada amniga ayaa xoojinaya hawl-galada si loo soo afjaro kooxaha khatarta ku ah amniga.

https://t.me/plpoliceforce

– DHAMMAAD –