Hot Topics

Xog hordhac ah:-Magacaabista Golaha Wasiirada cusub Ee Puntland

Golaha Wasiirada cusub ee PL Maalinka Sabtida ah,ayaa Gacanta lala galayaa.

25-ka Bishan,ayaa la filayaa in la shaaciyo oo lagu dhawaaqo.

Dadka la filayo in ay kasoo dhex muuqdaan,waxaa ka mid ah oo xogaha hordhaca ah sheegayaan…..

1.Cabdirisaaq Khaliif oo loo badinayo Arimaha Gudaha ama Waxbarashada.

2.Gablax oo iska casilaya Xildhibaanimada noqon doonana sida la filayo Wasiirka “B” ee Beesha Cumar Maxamuud.

3.Fu’aad Gudoomiyaha G.Doorashada in uu noqonayo Wasiirka Maaliyada way sii xoogaybaysaa xogtiisu.

5.Ina Gaadayare Nin lagu magacaabo oo kasoo jeeda Beesha Abokor Ciise in uu noqonayo Wasiirka Qorshaynta ayay ubadan tahay.

6.Dhaqaaje ama Liibaan Nin la yiraahdo midkood in uu noqonayo Wasiirka Amniga ayay ubadan tahay.

Geedi Caano leh Ninkii keenay ee Juxaa,in uu lumiyo Wasiirka ayay ubadan tahay,waxaase jira xogo sheegaya in uu noqon doono Gudoomiyaha Gudiga Doorashada.

Gacan yarihii iyo Khasnajihii Madaxaweynaha Dhabancad,waa luminayaa Wasaarada,wuxuuna noqon doonaa Lataliyaha MW.

50-jirkii Dhalashada dhigtay,iyadoo Xabadi Garowe ka dhacayso,waxuu dib ugu laaban doonaa Qurbihiisii iyo Australia,waxaana booskiisa buuxin doona Ina adeerkiisa ka macnaha badan ee Maxamed Faroole.

Ninkii sida adag ula hadli jiray Mucaaradka ee Warfaafinta,waxay ubadan tahay in uu lumiyo Kursiga oo aysan ushafeeca qaadin difaaciisii adkaa.

Intaas waa hordhac lagu sugi karo kama danbaysta.

JQ.