Hot Topics

Somaliland oo u dirtay DFS hanjabaad la xiriirta isticmaalka Hawada

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland Cumar-sayid Cabdulaahi Aadan,ayaa ku eedeeyay Muqdisho inay ku xadgudub tahay heshiisyada Labada dhinac ee Maamulka hawada, isaga oo sheegay in ay siyaasadeeyeen maamulka hawada.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay dacwad u gudbisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee duulimaadyada caalamiga ah.

Waxa uu intaa ku daray in ay tilaabo ka qaadi doonaan xadgudubyo ay sheegeen in DFS ay ku hor istaagay duulimaadyo ku socda Hargeysa.

Waxa uu Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland intaa ku daray in DFS ay ku tagrifasho dakhli ka badan Lixdan milyan oo dolar oo Sanad walba kasoo gasha maamulka hawada,waxa uu sheegay in Afartan Boqolkiiba ay ahayd in ay Lacagtaas hesho Somaliland.

Somaliland,waxay ku hanjabtay in DFS ay qaadi doonto wixii ka dhasha talaabooyin uu sheegay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda Somaliland inay u qaadi doonaan ka falcelinta ficilo la xiriira Maamulka hawada ee ay Muqdisho horey u sameysay.