Hot Topics

Maxay tahay sababta Maraykanka iyo Ingiriiska ugu khasbeen Xasan Shiikh tagida Adis?

Maraykanka iyo Ingiriiska,ayaa ku khasbay Xasan Shiikh in uu tago Adis.

Maraykanka,ayaa Abiy ku cadaadiyay n uu ka laabto heshiiskii SL uu lagalay,waana aqbalay.

Waxaa jiraya kulan dooceed dhexmaraya Maraykanka,Ingiriiska iyo MW Kenya Ruto oo dhexdhexaadiyayaal ah iyo Dowlada Somaliya iyo Dowlada Itoobiya,halkaas,ayuu Abiy uga dhawaaqi doonaa ka laabashada heshiiskii uu la galay SL.

MW Xasan markii hore,waa diiday in uu tago Adis,waxuuna shuruud ka dhigtay in Abiy ka laabto heshiiska uu lagalay SL,waxaase xaqiijin siisay Gabadha kaaliyaha Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka ee kulankeedii Abiy kadib Maanta soo gaartay Muqdisho.

Hadii xogahan ay ufulaan sida loo helay,waxay noqonaysaa in DFS ay ku guulaysatay loolankii Diblomaasi ee ay Itoobiya la gashay,isla markaana xaqiijisay Midnimada,Madaxbanaanida iyo Maqaamka Qaranimo ee Wadanka.

JQ.