Hot Topics

Maxay DFS hawada uga saartay Raadaarkii Garoonka Hargaysa ?

Raaadaarkii hagida ee Garoonka Diyaaradaha Hargaysa,ayaa laga saaray Hawada.

Waxaa Hawada ka saartay DFS,sababta ay uqaaday talaabadan,ayay ku sheegtay in Maamulka SL ku xadgudbay xeerarka,soona gudbay xuduudii.

Radio-yaasha lagu hago Diyaaradaha isticmaala Hawada Somaliya,ayaa ah Laba heer,kuwaasoo kala ah..

1.Mid Dowlada Dhexe ee Fadaraalka ah ay maamusho oo Caalami ah.

2.Mid heer DG ay maamulaan oo Maxaliya.

Maamulka SL,ayaa soo gudbay xuduudii loogu talagalay in ay ka hawlgalaan Radio-yaasha DG,waxayna isku dayeen in ay carqaladeeyaan Duulimaadyada caalamiga ah ee ay maamusho Dowlada Dhexe.

Haatan,iyadoon duulimaadyada Shacabka caadiga ah ee SL aan wax la yeelin,ayaa fadhiid laga dhigay hanaankii Garoonka Hargaysa.

Tani,waxay soo afjaraysaa warkii SL ee ahaa in ay lasoo wareegtay maamulida Hawadeeda.

JQ.