Hot Topics

Nawas Shariif oo ay ubadan tahay in uu noqdo Ra’isalwasaaraha Pakistaan

Xisbiga Ra’isulwasaarihi hore ee Pakistan, Nawas Sharif iyo xulufadiisa siyaasadda ayaa xalay ku dhawaaqay in ay soo dhisi doonaan dowlad wadaag ah, tallaabadaas oo soo afjari karta hubanti la’aanti ka jirtay mustaqbalka siyaasadda Pakistan.

Pakistan ayaa todobaadki hore u muuqatay in ay cagaha gelisay dariiq hubanti la’aan siyaasad ah, kaddib marki uu xisbina ku guuleysan waayay doorashadi baarlamaaniga aheyd ee dalkaasi ka dhacday.

Hase yeeshee kaddib kulamo xiriir ahaa oo ay magaalada caasimadda ah ee Islamabad ku yeesheen xisbiyada mucaaradka ku ah ra’isulwsaarihi hore Imran Khan ee hadda xabsiga ku jira, ayay kasoo saareen go’aanka qaabeynta dowladda cusub ee wadaagga ah.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay madaxa xisbiga Pakistan People’s Party ahan ra’isulwasaare hore Asif Ali Zardari iyo hogaamiyaha xisbiga Pakistan Muslim League Nawaz Sharif iyo walaalkiis Shehbaz Sharif, oo ra’isulwasaare kumeel gaar ah dalkaasi ka noqday kaddib marki xilka laga xayuubiyay Khan sannadki 2022-ki.

Zardari iyo Sharif, labaduba shirkoodii jaraa’id ee Arbacadi kuma aysan sheegin qof noqon doona ra’isulwasaaraha, hase yeeshee waxaa aad loogu badinayaa inuu Nawaz Sherif noqon doono ra’isulwasaarha cusub ee Pakistan.