Hot Topics

Markab weyn oo sida Qalab iyo Saad Ciidan oo Imaaraatku ka dajiyay Bosaso

Waa Markab kusoo xirtay
Dekeda Bosaso Shan Habeen ka hor.

Sadex Maalmood ayay socotay dajinta Agabka saarnaa Markabkaas,waxaana lasoo dhameeyay Maalinkii Shalay ahaa

Xerada Ciidamada
PMPF,ayaa lagu xareeyay
dhamaan Kunteenarada saarnaa Markabka oo ahaa Qalab iyo Saad Ciidan.

Waxaa kaloo Jidka kusoo jira Markab kale oo sida Gaadiid Ciidan.

150-Ciidan Imaaraatiya,ayaa Labadii Sano ee lasoo dhaafay ku sugnaa Bosaso,haatana waxaa kusoo biiray 150-kale.

Sida qorshu yahay,waxaa si awood leh loo dhisayaa Ciidamada Puntland,iyadoo Xerooyin waa weyn oo cusub laga hirgelinayo Xeebaha Mudug iyo Nugaal.

Sidoo kale Xeebaha Bari ee Xaafuun iyo Caluula,ayaa fariisiimo laga samaynayaa.

Waxaa muuqata in Imaaraadku Saldhigtay Puntland.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

JQ.