Hot Topics

Ingiriiska oo dhexdhexaadin ka dhex bilaabay Somaliya iyo Itoobiya

UK,waxay wadaa dhexdhexaadin Somaliya iyo Itoobiya,waana sababta uu uyimid Muqdisho Wasiirudowlaha Gaashaandhiga.

Shirkii Amniga Somaliya ee dhawaan ka dhacay Imaaraadka,ayaa laga soo jeediyay in UK udirto Ergay Adis,kaasoo ka dhaadhiciya Abiy ka laabashada heshiiska SL.

R.Galbeedku kuma raacsana Itoobiya damaceeda Badda Somaliya,waxayna shaki ka qabaan in Dowlado kale ku daaban yihiin.

Sidoo kale R.Galbeedku ma xiisaynayaan kala GO’A Somaliya,iyagoo danahooda ka eegaya.

SL,ilaa iyo haatan,waxay fahmi la’adahay in kala jarida Somaliya aysan BC danaynayn,gaar ahaan hormuudka Siyaasada,dhaqaalaha iyo Milleteriga caalamka ee R.Galbeedka.

Khalad siyaasi oo weyn ayay ku ahayd Muuse Biixi heshiiska isfahan ee uu la galay Abiy,waxayna keentay in Villa Somaliya la xoojiyo Diblomaasiyadeeda.

Maraykanku,wuxuu baqdin ka qabaa hadii Abiy uu helo jaan Badda Cas ah in uu marka danbe Ruushka ku wareejiyo oo uu Saldhig ka siiyo.

JQ.