Hot Topics

Faallo:-Siyaasada Somaliya loogama baahna F&F

Isbahaysi Siyaasadeed oo Farmaajo qayb ka yahay lagama mid noqon karo,sababtoo ah waa mid ka mid ah Madaxweynayaashii Wadanka soo maray oo ugu hogaamin xumaa.

Waxaa iyaduna ah wax jira isbahaysi Siyaasadeed oo Farmaajo qayb ka yahay in uusan Xasan gaarsiin karin dhaawac Siyaasadeed.

Farmaajo waa kuma?

1.Waa Nin aan madaxbanaanayn

2.Waa Nin aan aragti lahayn oo loo yeeriyo go’aamada.

3.Waa Nin ay ku daaban yihiin kooxo khatar ku ah jiritaanka Ummadda Somaliyed.

4.Waa Nin ay maalgaliyeen Sirdoonka Qatar oo xiriir weyn la leh argagixusada.

MW Sh.Shariif,waxaa loo hayaa xurmo iyo qadarin markii la qiimeeyo aragtida Bulshada Somaliyed.

Sh.Sharif,waa Nin dabacsan,dulqaad leh,daacad ah oo xumaantu ku yar tahay.

Balse,waxaa dhaawac weyn ku noqon kara ku dhawaanshihiisa Farmaajo,sidaa daraadeed waa in uu ka fogaadaa.

Siyaasada Somaliya loogama baahna Farmaajo iyo kooxda xagjiriinta ah ee Fahad horjoogaha uyahay oo ay Qatar maaalgeliso.

Si gaar ah PL ma noqon doonto meel soo dhista aragtidii khatarta ku ahayd amnigeeda iyo horumarkeeda ee F&F .

JQ.