Hot Topics

Ergayga Geeska Afrika Ee Maraykanka oo kusii jeeda Itoobiya

Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika uqaabilsan Maraykanka Mike Hammer,ayaa ku wajahan Addis Ababa inta u dhaxaysa 7-13 bishan March.

Ergayga,ayaa lagu wadaa in uu kaga qayb galo Adis Shir Midwowga Afrika martigelinayo oo dib u eegis istiraatijiyadeed loogu samaynayo hirgelinta heshiiskii Pretoria ee DFI iyo TPLF.

Socdaalka ergayga oo qaadan doona ilaa 20-ka Maarso,waxaa sidoo kale ku jiri doona safar uu ku tagayo London iyo Rome.

Danjire Hammer,wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa saraakiisha Dowladda Itoobiya si ay uga wada hadlaan dadaallada lagu horumarinayo wadahadalka lagu soo afjarayo rabshadaha ka socda Gobollada Amxaarada iyo Oromada, iyo dib u eegista arrimaha guud ee Gobolka.

Shirka dib u eegista istaraatiijiga ah ee Midowga Afrika,ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo markii la saxiixay heshiiska Pretoria.