Hot Topics

Madaxweynaha Tigreega oo soo dhaweeyay Aftida Dadweyne

Dowladda dhexe ee itoobiya,ayaa shaacisay in la isku afgartay in Afti Dadweyne laga qaado Deegaamada ay isku haystaan Tigreega iyo Amxaarada.

Madaxweynaha Maamulka kmg ah ee Deegaanka Tigreega Getachew Reda,ayaa muujiyay in uu soo dhawaynayo go’aanka Aftida Dadweynaha looga qaadayo Dhulkaas.

“Dastuurku wuu cad yahay”Ayuu yiri Getachew Reda.

Talaabadan haday fusho,isla markaana si lawada ogol yahay loo qabto Aftida Dadweyne,waxay noqon doontaa xal kama danbays ah oo loo helay deegaanada ay isku hayaan Maamulada Amxaarada iyo Tigreega.

Afti laga qaado Deegaamadaas,waxay ahayd Qodob ka mid ah heshiiskii DFI iyo TPLF ee Koonfur Afrika.

Shir dib u eegis loogu samaynayo fulida heshiiskaas,ayaa Bishan bartankeeda Midowga Afrika ku qabanayaa Adis,waxaana ka qaybgalaya Ergayga Geeska Afrika ee Maraykanka.

 

 

JQ.