Hot Topics

IGAD oo walaac ka muujisay khatarta Deegaanka ee Markab ku degay Badda Cas

Urur-goboleedka IGAD,ayaa qeylo dhaan ka soo saaray masiibo deegaan oo soo socota,taasoo ku soo fool leh Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Badda Casa,waxaa ku degay Markab lagu magacaabo Rubymar ee laga leeyahay Dalka UK dhamaadkii todobaadkan,kadib markii Gantaal la heleen Xuutiyiinta Yemen.

IGAD waxay sheegtay in markabka Rubymar uu saaran yahay in ka badan 21,000 metric tonnes oo Bacriminta Ammonium Phosphate iyo shidaal udhiganta 200 oo Tan oo saliid ah.

Ururku waxa uu ka digay in Shidaalka daadanaya uu wax u dhimi karo sixada Badda,isla markaana uu baabi’in karo reefs coral reefs.

Waxa kale oo Markabka degay khatar ku yahay Kalluumaysiga iyo Dadka ka Shaqaysta.

Sida IGAD sheegayso in Badda Cas laga nadiifoyo Saliida iyo Bacriminta ku daadatay,waxay qaadan doontaa mudo ku siman 30-Sano.

igad.int/igad-calls-for…