Hot Topics

Faallo:-Golaha Xukuumada PL Ee Madaxweyne Deni dhisay

Madaxweyne Deni,wuxuu dhisay Gole Xukuumadeed oo ka kooban 57-Xubnood Xubnood.

Waa la fahmi karaa tirada Golaha oo badan,waxa sababay,waana qancinta Beelaha oo wada raba Maqaamka Wasiir in ay wax kuwada helaan.

Golahana intooda badan ,waa Dad uqalma jagooyinka loo dhiibay oo ay ku jiraan Niman Odayaal ah oo talo bixin kara.

Dhaliisha ugu weyn ee jirta,waa in aysan qaarkood lahayn Aqoonta Modernka ah ee PL u baahan tahay.

Muhiimadu kaliya ma’ahan Qofka iyo xilka in ay is yeeshaan ee waxaa kalooo loo baahan yahay in uu helo Qofka masuuliyada loo dhiibayo fursad uu ku shaqeeyo oo Madaxtooyadu siiso awood iyo matalaad.

Dowlada iyo Bulshadu way kala go’an yihiin xiligan waliba Madaxtooyada.

Baahida ugu weyn ee jirtaa,waa in la helaa Wasiiro noqda Buundo Dowlada iyo Shacabka isku xirta oo muujiya matalaad,isla markaana Shaqo muuqata qabta.

Puntland xilligan,waxay horyaala Shaqooyin masiiriya oo gudaha iyo dibadaba isku jira.

Looba jooge sida wax udhaqaaqaan oo Madaxtooyada,Golaha Wasiirada iyo Shacabku jaanta iskua qaadaan?

JQ.