Hot Topics

Madaxweynaha Somaliland oo dhaqangaliyey xeerar muhiim u ah Dalka.

Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 09/03/2024 uu soo saaray wareegtooyin Madaxweyne oo uu ku dhaqan-gelinayo xeerka Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Xeer Lr. 91/2023.

Waxaan soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-Bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha ee Xeer Lr. 91/2023 iyo lifaaqyada kala ah:

– Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024, iyo

– Qaraarka Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MSD/DDL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/03/2024.

2. Dhaqan-galka Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2023
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobbada 75aad, 77aad iyo 78aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Golaha Wakiillada ee summaddiisu tahay GW/JSL/10/68/2024, kuna taariikhaysan 19/02/2024, Ujeeddadiisuna tahay Soo Gudbinta Go’aanka Ansixinta Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Xeer Lr: 14/2023, (Go’aan Lr. GW/KF- 7/02/2024);