Hot Topics

Xogtii ugu danbaysay Dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

Dabka oo billowday aroortii hore ee saakay,ayaa ka kacay goobaha Ganacsi ee ku yaalla waddada isku xirta dhismaha shirkadda Somtel iyo suuqa Cabdalla-shideeye.

Ilaa 12 boos oo isku wareeg ah ayaa gubatay, waxaana lagu iibin jiray elektarooniga iyo bagaashka, qaarkood ayaa gebi ahaanba baaba’ay, halka qaarna weli ay gubanayaan.

Hal Qoff,ayaa ku dhintay dabka,waxaana la damiyay Shan Guri oo dabku qabsaday.

Khasaaraha hantida weli lama ogaan,waxaana socda baaritaan.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yabooh oo warbaahinta la hadlay,ayaa sheegay in lagu guuleystay in lasoo afjaro dabka.

Wuxuu sheegay in dad uu ku eedeeyay kicinta dabka lagu daba jiro lana soo qaban doono.

“Iyadoo la hurdayo ayay inta kartoonno kusoo qaadeen sida qof khashin wada oo kale ayay dhigeen irdaha goobaha ganacsiga, maamulka gobolka Banaadirna waqti ayay gelin doonaan suuqa, welina baaritaan ayaa socda.”Ayuu yiri Maxamed Yabooh.