Hot Topics

Wasiirka cusub Ee Wasaarada Maaliyada PL oo xilkii la wareegay

GAROOWE- Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, waxaana xilka lagu wareejiyey Wasiirada cusub ee Wasaaradda oo u hoggaaminayo Wasiir Maxamed Faarax Maxamud.

Xafladan waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda, gudiga qaban qaabada Xil wareejinta, Xildhibaano ka tirsan Gobolka wakiilada, madaxda iyo qayb ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa soo jeediyey xogta Wasaaradda iyo waxqabadkii Wasaaradda Maaliyadda muddadii uu hoggaaminayey Wasiirkii hore Mudane Dhabancad, wuxuu sidoo kale soo dhaweeyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirkii hore ee Maaliyadda ayaa ka hadlay wixii u qabsoomay Wasaaradda mudadii uu xilka hayey, waxaana uuna u mahadceliyey Madaxdii iyo shaqaalihii mudada la soo shaqaynayey, Wasiirka cusubna wuxuu u rajeeyey shaqo wanaagsan.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Wasiirkii hore uga mahad celiyey sida uu uga shaqeeyey Wasaaradda waxaana uu sheegay in uu shaqada Wasaaradda halkasi ka sii wadi doono.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Wasiirkii hore ku amaanay hufnaan iyo hawl karnimo, Wasiirka cusubna u rajeeyey in uu guto waajibaadkiisa shaqo. Madaxweynaha ayaa shaqaalaha iyo madaxda u sheegay in Dowladdu ku tiirsan tahay dakhliga ay Wasaaradda Maaliyaddu soo saarto.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland