Hot Topics

Ciidanka Sudan oo qabsaday dhismaha warbaahinta Qaranka.

Ciidanka Sudan,ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in ay la wareegeen xarunta Warbaahinta Dowladda ee Omdurman oo ay Gacanta ku hayeen kooxda Rapid Support Forces (RSF).

Qabsashada dhismaha Warbaahinta Omdurman ee Wabiga Niil ka xigta xaga Khartuum, ayaa timid ka dib dagaallo culus oo Bilo ka socday agagaarka xarumaha Ciidamada,Buundooyinka, iyo Waddooyinka saadka ee Aagaas.

Maleeshiyada RSF,ayaa wali Gacanta ku haya Koonfurta iyo Galbeedka Magaalada.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Soonqaadka,inkastoo dagaallo ay weli sii socdaan.

Maleeshiyada RSF,ayaa soo dhaweeyay Xabbad joojinta Golaha amaanku ku dhawaaqay,waxaase ka hor yimid Talyaha sare ee Ciidanka oo loo aqoonsan yahay hogaamiyaha Sudan.

Ciidanka Sudan,waxa ay gaareen guulo maalmihii lasoo dhaafay,iyagoo ka faa’idaysanaya Hub iyo Drones casriya oo ay ka heleen Turkiga iyo Masar.