Hot Topics

Faahfaahin khasaaraha ka dhashay weerarkii Hotel SYL Muqdisho

Haysashadii kooxda Al-Shabaab ee Hotel u dhow madaxtooyada Somaliya ayaa lasoo afjaray Jimcaha maanta ah, kadib 13 saac, ayada oo la dilay dhammaan dableydii kooxda, waxaa sidaas xaqiijiyey sarkaal ka tirsan booliska.

Dagaalamayaal hubeysan ayaa weerar rasaas ah xalay ku galay Hotelka SYL, ayada oo Al-Shabaab ay mas’uuliaydda ku sheegatay bayaan ay soo saartay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen saddex askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka, halka 27 qof oo kale ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawaca ah ayaa isugu jira 18 shacab ah iyo 9 askari, sida uu sheegay. Waxa sidoo kale uu sheegay inay jiraan saddex xildhibaan oo uu soo gaaray dhaawac fudud, kuwaas “oo hadda shaqooyinkooda caadiga ah ku laabtay.”

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada amniga ay toogteen dhammaan dablaydii kooxda Al-Shabaab ee soo weerartay Hoteel SYL, kuwaas oo ahaa Shan Qof.