Hot Topics

Jeneralkii Tigreega Ee xukumi jiray Warshada Hubka Itoobiya oo Xabsiga laga sii daayay

Jeneralkii xukumay Warshada Hubka ee Itoobiya oo kasoo jeeday Qowmiyada Tigreega,ayaa laga sii daayay Xabsiga mudo dheer kadib.

Kinfe Dagnew,waa mid ka mid ah Jeneraladii Tigreega ee awooda badnaa.

Maanta gelinkii danbe in lasii daayay Jeneralka,waxaa xaqiijiyay Qareenkiisa Habtamu Kesete.

Wasaarada Cadaalada Itoobiya,ayaa sheegtay in la laalay Dacwadihii ay ku eedaysnaayeen Jen.Kifle iyo Madaxaweynihii hore ee DDSI Cabdi Iley oo isna Shalay lasii daayay.

Kinfe,ayaa la xiray 2018-kii kadib markii lagu soo eedeeyay musuqmaasuq baahsan.

Waxaa muuqata in Abiy isku dayayo fulinta heshiiskii TPLF oo Qodob ka mid ah uu dhigayay sii daynta Maxaabiista.

Maalmo ka hor,ayay ahayd markii Maamulka Tigreegu sheegay in uu ka kalsooni baxeen Dowlada Abiy oo aan diyaar u ahayn fulinta heshiiskii Pretoria.