Hot Topics

MW Xasan ,waxaa ubilowday hoobashada hogaamintiisa Wadanka

Dagaalkii Nabadiidka,wuxuu ka dhigay mid hab Beeleed u abaabulan halkii ay ahayd hab Qaran in loo galo,waxayna noqotay natiijadii in lagu fashilmo oo Deegaamadii laga saarayna ay dib ugu soo laabtaan.

Dhismaha Ciidan Qaran,waxay ahayd baahiyaha taagan kuwa ugu horeeya,waana ka leexday MW Xasan in uu uwajaho siday ahayd,wuxuuna abaabushay Ciidamo kooban oo Beeleed,waana kuwa ku filnaan waayay sugida amniga Xamar.

Amniga,waxay ahayd in loo maareeyo si Qaran oo la fariisiyo Siyaasada amniga oo Qaranka,waase ka leexday oo wuxuu aaday mid ugaar ah oo kooban,waana mida keentay fashilka dhacay.

DFS weli ma helin Madaxweynihii mudnaa,wuxuuna Xasan udanbeeyay dhawr isku si ugu fashilmay hogaaminta Wadanka.

MW Xasan ,waxaa ubilowday hoobashada hogaamintiisa,isagoon Laba Sano ubuuxsamin…

1.Kusoo laabashada Nabadiidka Dhulkii laga qabsaday.

2.Dagaalka iyo burburka nidaam ee Beledweyne.

3.Qaraxyada Xamar ee is xigxiga.

JQ.