Hot Topics

Faallo:-Dow ma ahayd in Farmaajo loo diido tagida Laascaanood?

In loo diido tagida Laascaanood,iyadoo Xasan la ilaalinayo ma’ahayn Dhaqan gobeed oo muqdar ah.

Markaan lahaa Garowe in lagu soo dhaweeyo Farmaajo ma bilna,waxaan ka duulayay danaha Siyaasadeed ee PL,balse ma ahayn qancin iyo ku dhawaansho DFS ee Xasan hogaaminayo.

Ninka aragti Siyaasadeed waad ku kala tagi kartaan oo ku loolami kartaan lkn in laguu adeegsado waa ilhaamo.

Marka aan leeyahay Daaroodku ma noqon karo Tol Siyaasadeed waxa aan ka duulayay waa dhaqamadan oo kale.

Ma mudnayn salaan ehelnimo xataa in looga diido Laascaanood oo waliba Garaadadii ay ka meermaan in ay la kulmaan.

Xasan Shiikh marna haka sugina in uu dhiso Maamul la yiraahdo Khaatumo oo uu Miisaaniyad usameeyo,kaliya Xildhibaanada Beesha Sool,ayuu xilligan ubaahan yahay si ay ugu meel mariyaan ku falaadidiisa Dastuurka.

Siyaasadu faham ayay rabtaa ee caadifad mahan.

JQ.