Hot Topics

Faahfaahin khasaaraha Dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Khasaare kala duwan,ayaa ka dhashay dab saaka abbaarihii 7-dii Subaxnimo ka kacay suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dabkan oo ka billowday qaybta bagaashka lagu iibiyo ee u dhexeysa Dahablaha iyo Khaliifa ayaa si dakhso leh ugu faafay isagoo dhul baaxad leh, halkaas oo ay ku hanti beeleen dad u badan Ganacsatada Dharka iyo Kabaha iibiya.

Illa hadda lama shaacin sababta ka dambeysey dabkan oo ah kii labaad oo ka kaca suuqa ugu weyn dalka muddo bil gudaheed ah. Laakiin sida uu qabo Xasan Xoogsade oo ah Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatda suuqa Bakaaraha, waxaa jira gaabis dhanka Dowladda.

Dabka saaka ka kacay Bakaaraha,ayaa ku soo aaday xilli suuqa uu ka jiro mashquul ka dhashay dadweyne badan oo munaasibadda Ciidda darteed illaa habeenkii saqdhexe halkaas ka dukaameystaan.