Hot Topics

Iran oo qabsatay Markab xamuul oo Israa’iil laga leeyahay

Ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan,ayaa gacanta ku dhigay markab xamuul ah oo xiriir la leh Israa’iil kaasi oo Sabtida maanta ah marayey marin biyoodka Hormus, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Iiraan, waxayna tani imanaysaa maalmo kadib markii Tehraan ay ka digtay in ay aaggaas ka xireyso safarrada Maraakiibta.

Wakaaladda IRNA,ayaa ku warrantay in diyaarad helikobtor ah oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanka ay Markabka MSC Aries oo watta calanka Burtaqiiska u kaxaysay dhinaca biyaha Iiraan.

Hay’adaha la socda ammaanka Maraakiibta ayaa goor hore sheegay in markab laga kaxaysteen marinka Hormus ee u dhaxeeya Imaaraatka Carabta iyo Iran.

Dhacdadan,ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisadda Gobolka tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil ee Qasa bishii Oktoobar, iyadoo Israa’iil iyo xulafadeeda Mareykanka ay marar badan isku dhaceen kooxaha taabacsan Iran ee ku sugan Lubnaan, Suuriya, Ciraaq iyo Yemen.