Hot Topics

Faallo:-Mawaxaa isku haya Bariga Dhexe Galbeedka iyo Beershiyaanka?

Ugu yaraan go’aanka Iran qaadatay,wuxuu sababay in Gudiga Amniga Qaranka Maraykanka oo ah awooda caalamka ee dhaqaalaha iyo Milleteriga iskugu yimaadaan kulan deg-deg ah,iyadoo Biden Shir gudoominayo.

Ma’ahan wax fudud talaabo aad qaaday in ay caalamka saamayn ku yeelato gees ka gees,taasna Iran baa samaysay.

80-ka Milyan ee Beershiyaanka ah,waxay ka macno badan yihiin 400-Milyan ee Carabta ah,waana Dad aragti leh oo hankoodu sareeyo waxna diidi kara waxna yeeli kara.

40-Sano oo Cunaqabatayn lagu hayay kadib Xalay Aduunka heegan bay geliyeen,waana sababta looga ilaalinayo Hubka wax gumaada in uu Gacantooda galo.

Iran iyo reer Galbeedku ugu danbayn wax ayay kala goosan doonaan oo waxaa dhici doonta wax kala badalasho,balse Xalay Iran,waxaa la gaarsiiyay meel aysan ku qanacsanayn in ay gaarto oo awoodeeda lagu qaawiyay,waxaana lala xaajoon doonaa,iyadoo ka diciifsan sidii hore.

Saakay Bariga Dhexe,waxaa isku haya Gaashaanbuurta Galbeedka iyo Dadka Beershiyaanka ah.

JQ.