Hot Topics

Ma waxay qorshaynaysaa Israa’iil weearr ka dhan ah Iran?

Israa’iil,ayaa u muuqata in ay go’aansatay inay qaaddo tallaabo ay kaga aargudanayso ciidamada milateriga ah ee Iran, iyo qaar ka mida taageerayaasheeda Gobolka Bariga dhexe ku sugan, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday dalkan Yuhuudda ah.

Milateriga Israa’iil oo u muuqda inay iska indho-tirayaan baaqyada uga imanaya hoggaamiyayaasha caalamka ayaa sheegay Isniintii, in Tehran ay la kulmi doonto jawaab la xidhiidha, weerarkii ay ku qaadeen Israa’iil ee ay ku rideen 350 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo ay ka soo rideen gudaha dalkooda.

Taliyaha Ciidamada Israa’iil Lieutenant Jeneral Hersi Halevi,ayaa sheegay in weerarka Israa’iil jawaab ka bixin doonaan.

Wuxuu sheegay in Iran ay la kulmi doonto cawaaqibka ka dhashay tallaabooyinkii ay qaaday, wuxuuna sidaas sheegay xilli uu ku sugnaa Koonfurta Israa’iil.