Hot Topics

Maraykanka oo hor istaagay aqoonsiga Dowlad reer Falastiin leeyihiin

Maraykanka,ayaa Khamiistii codka diidmada qayaxan u isticmaalay qaraar ay soo diyaarisay Qaramada Midoobay, kaas oo jidka u xaaraya in xubinimo buuxda la siiyo Dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta.

Qaraarkan oo la horgeeyey Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa taageeray 12 xubnood, waxaa ka aamusaaba xubnood halka Maraykankuna uu ka soo horjeestay.

Maraykanka iyo Ingiriiska,ayaa dhinaca kale ku dhawaaqay inay cunaqabatayno cusub ku soo rogayaan Iran.

Tallaabadan,ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo hoggaamiyayaasha Midawga Yurub oo ku shirsan Brussels ay wacad ku mareen inay kordhinayaan cunaqabataynada ay saarayaan Iraan, iyaga oo bartilmaameedsanaya nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay geeyaan meelaha ay ka hawlgalaan ururada gacansaarka la leh sida Qasa,Yemen iyo Lubnaan.