Hot Topics

G-7 oo inkiray wax ka badalka Dastuurka Ee Xasan Shiikh

Wasiirada arimaha dibada Wadamada awooda badan ee G-7;ayaa war kasoo saaray xaalka Somaliya.

Qodobada ay dul istaageen,waxay kala yihiin…

1.Dib u eegista Dastuurka.
2.Dagaalka Nabadiidka.
3.Soo gabagabaynta hawgalka Atmis.

“We commend the important progress in the institutional, macroeconomic and security sector in Somalia. We encourage the Somali Authorities to continue to make meaningful progress in the fight against Al Shabaab and in the consolidation of the institutional framework, including completion of a transparent and inclusive constitutional reform process”.

“Waxaan dhiirigelinaynaa dhameystirka hannaanka dib u habeynta dastuurka oo hufan loona dhan yahay”Ayaa lagu yiri Warka G-7.

Lama soo dhawayn Dastuurka Xasan samaystay,taa badalkeeda,waxaa loo sheegay in dadaalka dib uhabaynta Dastuurka lasii wado,iyadoo loo dhan yahay.

Dagaalka Shabaab ayay dhiirigeliyeen G-7 in lasii wado oo laga wada shaqeeyo.

Sidoo kale,waxay soo dhaweeyeen qorshaha la wado ee bixida Ciidamada Atmis iyo la wareegida amaanka ee Somalida.

Warka kasoo baxay G-7,wuxuu waji gabax ku yahay Xasan iyo rabitaankiisa,wuxuuna taageero uyahay Dadka ku hawlan badbaadinta Dastuurka.

JQ.