Hot Topics

Shirweynaha 5-aad Ururka Warbaahinta PL oo Garowe ka furmay

Garoowe: 21 April 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland H.E Ilyaas Cismaan Lugatoor,ayaa furay Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland (MAP).

Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey waxqabadka iyo doorka warbaahinta ee dawlad-dhiska iyo horumarinta bulshada, dhinaca kalena wuxuu kula dar-daarmay in ay qeybtooda ka qaataan hiigsiga, yoolasha iyo waxqabadka Dawladda Puntland, sidoo kalena ay xooga saaraan Barnaamijyada waxtarka u leh bulshada.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu ballanqaaday illaalinta xorriyadda iyo madax bannaanida warbaahinta Puntland, isaga oo uga mahadceliyey Ururka MAP wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa laamaha kala duwan Dawladda.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-