Hot Topics

Maxaa sababay iscasilaada Madaxii Sirdoonka Israa’iil?

Taliyaha Sirdoonka Milatariga Isra’iil, Aharon Haliva, ayaa is casilay. Mr Haliva ayaa ah sarkaalkii ugu horeyay ee xilka ka dego sababo la xiriira weeradii xamas ee bishi oktobar.

Sarkaalka,ayaa sheegay in uu ku guuldareystay Shaqadii uu Israa’iil,islamarkaana ay arrintaasi sababtay in weerada ay dhacaan.

Ku dhawaad Kun iyo Labo Boqol oo Qof,ayaa dhintay halka Boqolaal kalena ay qafaasheen Xamaas iyo kooxaha taabacsan.

Bayaan ka soo baxay Militariga Israa’iil,ayaa lagu sheegay in Janan Haliva uu ka tagi doono xilkaasi marka sarkaal kale lasoo magacaabo.

Falanqeeyayaasha ammaanka,ayaa sheegaya in iscasilaadisu ay dhabaha u xaari karto in saraakiil sare oo dhanka ammaanka ah ay is casilaan.