Hot Topics

Wasiirada cusub Ee PL oo ka macno weynaaday kuwii hore

16 Mashruuc oo hada diyaar ah kuna kacaya $48-Milyan yo Sagaal kusoo jira Wadada oo qayb ka ah dhaqaalaha Baanka Aduunku ku bixinayo Somaliya Labada Sano iyo barka soo socda oo dhan 1.4-Bilyan oo dolar ayay xal uheleen Wasiirada cusub.

Wasiiradii hore oo uu horboodayo Dhabancad,way ku filnaan waayeen hal Mashruuc sii dayntiisa in ay ku qanciyaan Baanka Aduunka.

Kulankii ka dhacay Nayrobi Dhabancad iyo mid kale oo Wasiiradii hore ah waxay ka ahaayeen goobjoogayaal xoogsanaya shaqada loose diiday hadal iyo in ay wax ku yeeshaan Shirkii.

Ujeedka Dhabancad,waxa uu ahaa in la yiraahdo Wasiirkii isagaa si dadban u ah si walba oo looga hor istaagay,halka Deni ay ka tahay isku wado Ragaaga oo idil.

Dhabancad si weyn,ayuu uga xumaaday in Mashaariicdii uu ku filnaan waayay 5-Sano kaliya Laba kulan ay kusoo dhameeyeen Wasiiradii badalay oo Deeq bixiyaashu si dhamaystiran ula shaqeeyeen.

Waxaa xusid mudan in MW Deni bogaadiyay shaqada Wasiirada cusub,taasoo waji gabax ku noqotay Dhabancad iyo kuwa kale ee isku muujinayay in ay yihiin Gacanta Deni.

JQ.