Hot Topics

Qatar miyay cayrinaysaa Madaxda Ururka Xamaas ee Martida u ah?

Qatar,ayaa Maanta sheegtay in hoggaanka siyaasadeed ee Xamaas ay ku sii nagaan doonaan Doha inta joogitaankoodu uu faido u leeyahay dadaallada dhex-dhexaadinta ee looga dan leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Qasa.

Hadalkan,ayaa yimid kadib markii warbaahinta qaar ay ku warrameen in Xamaas laga yaabo ama la weydiisan doono in ay ka tagaan Saldhigooda Qatar.

“Ilaa iyo inta joogitaankooda halkan Doha, sida aan had iyo jeer sheegno, uu waxtar u leeyahay dadaalkan dhex-dhexaadinta ah, way sii joogi doonaan halkan,” waxaa sidaas shir jaraa’id ku sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar Majed al-Ansari.

Waxa uu intaas ku daray in Qatar ay sii wado inay dib u qiimeyso doorkeeda dhex-dhexaadiye ah.

Qatar oo tan iyo 2012-kii martigelisay hoggaanka siyaasadeed ee Xamaas, ayada Maraykanka uu raali ka yahay, ayaa waxay toddobaadyo ku lug laheyd wadahadallo daaha gadaashiisa ah oo ku saabsan sidii xabad-joojin loogu soo dabaali lahaa Gaza iyo sii deynta la haystayaasha Israel, ayada oo ku beddelanaysa maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu hayo xabsiyada Israel.

Hase yeeshee kadib markii dhex-dhexaadiyayaasha, oo ay sidoo kale ku jiraan Mareykanka iyo Masar, ay ku guul-dareysteen in la hakiyo dagaalka intii lagu guda jiray bisha Ramadan, ayaa ra’iisul wasaare Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani uu sheegay toddobaadkii tegay in Qatar ay dib u eegeyso doorkeeda.

Hadalkaas,ayaa dhaliyey tuhuno ku saabsan in Xamaas laga yaabo in la weydiisto in ay ka tagto dalkan ku yaalla Gacanka ee Gaaska hodanka ku ah.

 

Xigasho;-VOA.