Hot Topics

Maxay tahay cabashada Shacabka Bosaso Ee Saldhigyada Booliska?

Xabsiyada Puntland Cadaaladooda in la dul istaago ayay mudan yihiin,si gaar ah Saldhigyada Booliska Magaalada Bosaso,waa in wax laga qabtaa.

Hooyo Sadex jeer Wiilkeeda inta la xiray laga iibsaday,ayaan waraystay,iyadoo halkii mar ee la xiro Wiilkeeda Hooyadaas laga qaaday $300.

Talyayaasha Saldhigyada Bosaso,ayaa ku shaqaysta arinkan oo ka dhigtay nolol maalmeed,waxayna Maalin walba soo qabtaan Dhalinyaro kadibna Waaridkood ayay dib uga iibsadaan.

Dhacdooyinkan inta la diiwaangeliyay,waxay kor udhaafayaan 60-dhacdo.

Sidoo kale Booliska iyo Maxkamadaha,ayaa isla fahansan shaqadan oo dhaqaale kawada sameeya.

Waa dhacdooyin naxdin leh oo yax yax ku ah Booliska iyo nidaamka Garsoor ee Puntland.

JQ.