Hot Topics

Faallo:-Waxa ugu badan ee mudo xileedka Xasan la maqlo waa Musuq iyo Eex.

Haatan,waxay qaylo kasoo yeertay Ciidamadii iyo Saadkoodii waliba kuwii ugu muhiimsanaa ee Maraykanku Gacanta ku hayay.

Waa qaylo khatarteeda leh oo reebaysa saamayn xun oo keeni karta in taageerada Maraykanku meesha ka baxdo ama yaraato,taasoo sababi karta in la waayo Ciidan abaabulan oo la loolama Nabaddiidka.

Arinka ugu khatarta badan ee ay saamayn karto musuqan dhacayvee ay cadaynayso Wasaarada Gaashaandhigu,waa qaadidii cunaqabtaynta Hubka.

Marka hogaamiyaha ugu sareeya nidaamka uu ku lug yeesho musuq oo waliba Bulshada caadiga ah ogaato dhaqdhaqaaqiisa,waxaa imaanaysa inta ka hoosaysana in aysan gabban oo dhankooda ku tagrifalaan hantida iyo awooda Gacanta ugu jirta.

Shalay,waxay ahayd Dhulkii Dowlada oo Xasan si gaar ah uxaraashanayo.

Doraad,waxay ahayd Musuqa Miisaaniyada oo lagu lunsanayo Safaro iyo Shirkado gaar loo samaystay oo Xasan uyahay Geed fadhi.

2-Sano way luntay,waxa haray waa 2 kale oo aan waxba la badali karin.

Xasan waa fashilmay xaqiiqdii,isagoon cidna eersan oo kaligii talada isku koobay.