Hot Topics

Xamaas oo ay ubadan tahay in ay aqbasho Xabad joojin

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay sheegay in uu ku rajo weyn yahay Xamaas in ay aqbasho waxa uu ku tilmaamay “deeqsinimo aan caadi ahayn” ee hindisaha xabbad joojinta Qasa ee Israa’iil.

Mr Blinken, oo ka qayb galaya wadahadallo uu la yeelanayo dhiggiisa Gobolka shirka ka dhacaya Sucuudiga,ayaa ka hadlay waftiga Xamaas ee ka qayb galaya wada xaajoodyada xabbad joojinta ee aan tooska ahayn ee ka socda Masar.

Ka dib toddobaadyo ay xaaladdu cakirneyd , Xamaas,ayaa lagu soo warramayaa in aysan dood weyn ka qabin qorshaha ay dib ugu eegeeyso, qorshaha xabdjoojinta ee ay Israa’iil ansixisay .

Waxaa la sheegay inay ku jirto erayo cusub oo ku saabsan joojinta dagaalka.

Mr Blinken,ayaa mar kale xaqiijiyay in Mareykanka uu ka soo horjeedo duulaanka Israa’iil ay qorsheyneyso in ay ku qaado magaalada Rafah, isagoo sheegay in uusan arag wax qorshe ah oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah ee halkaasi ku sugan.

20 Qof,ayaa ku naf wayday duqeymo habeenimadii xalay ahayd ay fuliyeen diyaaradaha Israa’iil.

Sidoo kale, wada-hadallada ka dhacaya Riyaad waxaa jooga Ra’iisul Wasaaraha Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda – Shiikh Mohammed Bin Cbdulrahman Al-Thani – oo ku baaqay in heshiis la dhex dhigo Israa’iil iyo Xamaas.