Hot Topics

Puntland waxay utaagan tahay Somaliya Qaran Dimuqraadiya oo Fadaraal ah

Puntland,waxay utaagnayd,una taagan tahay,una sii taagnaan doontaa Somaliya mid ah,Qaran ah,Dumuqraadiya,Fadaraal ah oo Nooluhu karaamo ku dhex leeyahay.

In aan Xisaabtano yaysan ka dhignaan in aan Somalinimada dhibaataynayno.

Mid kale oo aan la dhaafi karin oo ay tahay in aan gadaal ugu dagno oo aan ilaalino waa soo jireenkeena ku sumadan raadinta Qaran Somaliyed oo mid ah.

Xasan,ayaa saakay khatar ku ah Qaranimada ee aan u istaagno ka badbaadintiisa,Anagoo la kaashanayna Somalida kale ee midnimada jecel.

PL,waxaa ka socotay dood ukala qaybsanayd Laba jiho oo kala ahayd…

1.Aan sii wadno baadigoobka Qaran Somaliyed.

2.Aan ka tashano oo PL isku koobno.

Hadaba,waxaa guulaystay dooda ah aan sii wadno baadigoobka Qaranimada oo aan ilaalino taariikhdeena ku sumadan raadinta Qaran mideeya Umadan Somaliyed.

Somaliya Qaran Dimuqraadiya oo Fadaraal ah waa yoolkeena.

 

JQ.