Hot Topics

Dawlada fadaraalka Somaliya oo mamnuucday xisbiga Takfiiriga ah ee saacadadiin

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Cismaan Aadan Dhuubow ayaa War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaahinta u qariyay Warbaahinta waxaan uu xusay in kooxdaas laga mamnuucay Soomaaliya.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Dolwadda Federaalka ah ay go’aankaas qaadatay kaddib markii ay la xiriirtay Waddamo kale oo looga dhawaaqay,sidoo kalena aragtay go’aanka cad ee culimada Soomaaliyeed ka qaateen ururkan.

Waxaa uu intaas ku daray in kooxdan laga mamnuucay Soomaaliya oo aysan soo saari karin bayaanad Maqal,Muuqaal iyo Qoraal ah,sidoo kalena qaban karin shirar iyo Muxaadarooyin la xiriira ujeedadooda.

 

Halkan ka akhriso go’aanka:-