Hot Topics

Labo Askari oo Ciidamada milatariga ah ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu dilay Labo Askari oo Xiran Tuutaha Ciidanka Milatariga .
 
Labadan askari ayaa agu dhex dilay Gaari Caasi ah oo ay Shirka hore ka saarnaayeen,waxaana Toogtay Labo Nin oo Bastooladley ah,kuwaas oo la sheegay in ay Gaariga la saarnaayeen.
 
Dilka ka dib ayaa waxaa Goobta soo gaaray Ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo halkaas Baaritaano ka sameeyay.
 
Dhowr jeer ayaa Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda iyadoo wata Hubkooda,waxaana dhacdadaas ay noqotay mid soo noq noqotay.